GABAYGII SOOMAALI BAAN AHAY

Waqtiyada socdaalka ah Ayaamaha silsilada ah Xiliyada bal suure Soojire hadad tahay Sadarada dib ugu noqo SOOMAALI WAA KUMA?

Sinaantan lamagac ahay Sanku neefle ma ogoli Inuu iga sareyn karo Anna garasho sogordahan Sooryo ruux ugama dhigo SOOMAALI BAAN AHAY
Nina madax salaaxiyo kama yeelo seetada sasabada ma qaayibo
sirta waxaan iraahdaa
saab aan biyaha celin
SOOMAALI BAAN AHAY

inkastoon sabool ahay
Hadana waan sariigtaa
sacabada ma hoorsado
Saaxiib nimaan nahay
Cadaygeyga lama simo
SOOMAALI BAAN AHAY

Nin isigay ma nabad galo Nin isugayna maba jiro Libtana ma sii deyn
Gardarada ma saacido
Nin xaqlana cid lama simo SOOMAALI BAAN AHAY

Nabaddaan u sahanshaa
Colaaddan ka selelaa
Sooma jeesto goobaha
Ninka nabarka soo sido
Gacantiisa kama sugo
SOOMAALI BAAN AHAY

Ninkaan teydu soli karin
Uma yeelo suu rabo
Sida dunida qaarked
Nina kabaha uma sido
SOOMAALI BAAN AHAY

Ninka iga sadroonow
Siintaada magaca leh
Ogoow kaama sugayee
Hana oran Dareen seexda malihiye
SOOMAALI BAAN AHAY

Saan lakala jaraan ahay
Summadi ay ku wada taal
Rag baa beri i saanyaday
Anno xoolo soofsado
Xil midnima anna sida
SOOMAALI BAAN AHAY
BY:CALI MAXAMED GAABOOW
TELL:+254705903227
image

image

image

image

image

image

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s